Maamulka deegaanka Daarusalaam ee Gobolka Banaadir ayaa maanta hawlo nadaafadeed ka sameeyay deegaanka, taasoo qayb ka ah bilic soo celinta deegaanka.
Hawshan nadaafadeed oo laga fuliyay waddada isku xirta Daarusalaam iyo Garoonka Stadium ee Muqdisho ayaa waxaa goobjoog ka ahaa guddoomiyaha deegaanka Maxamed Cabdiraxmaan.
Sidoo kale, waxaa ku sugnaa goobta guddoomiye ku xigeenka arrimaha bulshada Daarusalaam Guure Maxamed Xirsi iyo sidoo kale guddoomiyaha Waaxda Tawakal, Jaamac Cabdi Xaashi.
Guddoomiyaha Daarusalaam ayaa sheegay in hawshan ay tahay mid qayb ka ah hawlo nadaafadeed oo la doonayo in lagu soo celiyo bilicda deegaanka.
Ugu dambeyn, Shacabka deegaanka ayaa soo dhaweeyay hawlaha nadaafadeed ee ay maamulku wadaan, iyagoo sheegay in muhiimad weyn ay ugu fadhido bilicda deegaankooda.
















