Ergayga Madaxweynaha JFS ee Abaaraha oo ka Qayb-galay shir looga halday cunno-yarida Dunida: SAWIRRO

0
398

Ergeyga gaarka ah ee Madaxweynaha JFS u qaabilsan Gurmadka Abaaraha Xildhibaan Cabdiraxmaan Cabdishakuur Warsame ayaa ka qayb-galay dood la xariirta sidii xal loogu heli lahaa sugnaanta cunnada, taas oo barbar socotay shirka shandlaha ah ee kulamada Gu’ga (Spring meetings) oo ay soo qaban-qaabiyeen Bangiga Adduunka iyo Hay’adda Lacagta Adduunka (IMF).

Dooddan oo ay qayb ka ahaayeen madaxa hay’adda ganacsiga adduunka (WTO), madax ka socotay Bankiga Adduunka, wasiirrada horumarinta caalamiga ah ee dalalka Ingiriiska, Denmark iyo mas’uuliyiin kale, ayaa diiradda lagu saaray sida wax looga qaban karo sugnaan-la’aanta cunnada ee ka dhalata colaadaha, saboolnimada, xaalufinta degaanka, fatahaadaha, abaarta iyo arrimo kale.

Ergeyga ayaa kulanka la wadaagay fursadaha iyo caqabadaha is barbar socda ee Soomaaliya ka saari kara dhibaatada cunno yaraanta iyo ku tiirsanaanta kaalmada shisheeye, isagoo xusay in Soomaaliya aysan kaalmo raadsi keliya ahayn ee ay miiska soo saarayso khayraad dabiici ah, bulsho ruux iyo firfircooni ganacsi leh, dal leh ahmiyad iyo juqraafi siyaasadeed iyo dhallinyaro firfircooni, hal abuur iyo hami sarreeya leh.

Sidoo kale, ergeyga ayaa muujiyay muhiimadda ay leedahay maalgalinta mashaariicda dhisaysa adkaysiga bulshada, kasoo kaabashada iyo horumarka, sida; in Soomaaliya lagu gacansiiyo maalgashiga dhanka beeraha, xoolaha, kalluumaysiga, macdanta iyo shidaalka si ay u daboolaan baahida cunno-yarida, loogana kaaftoomo gurmadka deg-degga ah iyo deeq aan wax ku ool ahayn.

Ugu dambeyn, Kulamada Gu’ga (Spring meetings) oo ay sanadkan ka dhacaya magaalada Washington-Mareykanka ayaa looga hadlayaa arrimo kala duwan oo quseeya caalamka oo ay ku jiraan, ciribtirka faqriga, horumarinta dhaqaalaha, waxtarka gargaarka iyo arrimo kale oo diiradda saaraya dhaqaalaha adduunka, horumarka caalamiga ah iyo hannaanka maaliyadeed ee adduunka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here