Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uu wehliyo guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), Guddoomiyaha Deegaanka Gubadleey Cabdullaahi Nuur Maxamuud (Kaalibey) iyo Taliyaha Qeybta Bari ee Ciidanka Booliska Soomaaliyeed G/lle Aadan Maxamed Caraale (Macallin Aadan) ayaa deegaanka Gubadleey kusoo bandhigay daraasiin jawaano maandooriye ah.
Hawlgalkan lagu qabtay maandooriyaha ayaa xalay ka dhacay deegaanka Gubadley, iyadoo gacanta lagu dhigay 31 jawaan oo ah maandooriyaha nuuca loo yaqaan xashiishka iyo gaarigii uu ku rarnaa.
Ugu dambeyn, Xashiishkii la qabtay ayaa isla goobta lagu gubay, waxaana tani ay qayb ka tahay dadaallo Caaasimadda looga ciribtirayo Maandooriyaha.














