Ra’iisul Wasaare Xamsa oo la Dardaarmay Cutubyo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo la dhaariyay: SAWIRRO

0
132

Ra’iisul Wasaaraha Xukuumada Federaalka Soomaaliya, Mudane Xamsa Cabdi Barre, oo ka qeyb-galay munaasabad lagu dhaarinayey cutubyo ka tirsan Ciidanka Kummaandooska Gorgor ee Xoogga Dalka Soomaaliyeed— ayaa sheegay in looga fadhiyo sidii ay cadowga uga difaaci lahaayeen xudduudaha dalka ee cir, dhul iyo bad.

Intii ay socotay Munaasabadda dhaarta— ayaa ciidanku waxa ay soo bandhigeen dhoollatus iyo gaardis ka tarjumaya tayada iyo xirfadda sare ee lagu carbiyey, kuwaas oo loo diyaariyey door muhiim ah in ay ka qaataan dagaalka dalka looga sifeynayo kooxaha Khawaarijta.

Ra’iisul Wasaaraha, ayaa xusay in qalabaynta ciidanka Gorgor ay tahay astaan muujinaysa horumarka iyo tayeynta ciidanka qalabka sida, isaga oo caddeeyey in laga sugayo sidii ay amniga dalka ula wareegi lahaayeen marka ay baxaan Ciidanka Midowga Afrika.

“Komaandooska Gorgor, waa ciidan lagu han-weyn yahay oo laga doonayo in ay laf-dhabar u noqdaan geesiyaasha Xoogga Dalka Soomaaliyeed ee dagaalka kula jira cadowga, aniga oo og in aad tihiin ciidan sharaf badan, dhaqan wanaagsan oo geesiyaal ah, runtii shacabka Soomaaliyeed waxa uu idinka doonayaa in aad ka dhabaysaan dhaarta aad marteen, oo aad dadkiinna iyo dalkiinna si sharaf ugu adeegtaan”. Ayuu yiri Ra’iisul Wasaare Xamsa Cabdi Barre.

Ugu dambeyn, Ra’iisul Wasaaraha oo u hambalyeeyay ciidammada dhammeystay tababarka ayaa uga mahad-celiyey dowladda Turkiga tababarka ay siiyeen ciidanka ee muujinaya xirfadda wanaagsan ee la baray, waxa uuna xusay in dowladda Soomaaliya ay ka go’an tahay xoojinta tayada, tababarka iyo qalabaynta Ciidanka qalabka sida, si ay awoodda ugu yeeshaan xaqiijinta amniga dalka.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here