Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa guddoomiyay kulan loogu hadlayay dar-dargelinta amniga cqasimadda, isku xirka bulshada iyo hay’adaha amniga, furista wadooyinka xiran, taageerida ciidanka iyo u diyaar-garowga doorashooyin ka qabsoonta magaalada Muqdisho.
Kulanka oo uu goobjoog ka ahaa Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) ayaa warbixin loogu dhageystay taliyeyaasha qaybta guud ee booliska, nabadsugidda iyo Police Millitary, kuwaas oo soo bandhigay guulaha dhinaca amni ee magaalada Muqdisho iyo qorsheyaasha xasilinta caasimadda.
Ugu dambeyn, Duqa Caasimadda ayaa bogaadiyay hormarka dhinaca amniga ee ka jira caasimadda, wuxuuna hay’adaha amniga ku amaanay sida ay had iyo jeer ugu taagan yihiin sugida amniga muwaadinka, isaga oo xusay in guulaha amniga ay horseed u tahay maalgashiga, dib-u-dhiska iyo horumarinta nolasha bulshada.
















