Guddoomiyaha Baarlamaanka JF Soomaaliya Mudane Sheekh Aadan Maxamed Nuur (Madoobe) ayaa maanta xafiiskiisa kulan kula qaatay Madax ka kala socotay Qaramada Midoobay iyo Midowga Yurub.
Sheekh Aadan Madoobe ayaa kulankiisii koowaad la qaatay Madaxa Hay’adda Qaxootiga Adduunka ee Qaramada Midoobay UNHCR Soomaaliya, Mudane Magatte Guisse. Waxaana looga hadlay kulanka arrimaha Qaxootiga Soomaaliya ee dibadda ku nool sidii looga caawin lahaa in dalkooda lagu soo celiyo iyo sidii barakacyaasha jooga gudaha dalka shaqo abuur loogu sameyn lahaa.
Sidoo kale, Guddoomiyaha Baarlamanka FS, Mudane Sheekh Aadan (Madoobe) ayaa kulan la yeeshay Madaxa Xafiiska Siyaasadda iyo Xiriirka Bulshada ee Midowga Yurub, Mudane Thomas Kieler.
Madaxda ayaa kualnkooda uga hadlay arrimaha bini’aadamnimada iyo sidii loo dhammeystiri lahaa dastuurka. Iyadoo Guddoomiye Madoobe lagu ammaanay kaalintiisa bulsho ee la xiriirta arrimaha dib u heshiisiinta Qaranka.
Ugu dambeyn, Kulanka ayaa lagu soo hadal qaaday in dhawaan baarlamaanka Soomaaliya ay soo booqan doonaan wafti ka socda Baarlamaanka Midowga Yurub. Sidoo kale waxay Guddoomiyaha uga mahadceliyeen shuruucda goluhu ansixiyay ee taageeraya amniga dalka iyo deyn cafinta.














