Duqa Muqdisho oo la afuray shacabka ku nool Waaxda Jamhuuriya ee Degmada Kaaraan: SAWIRRO + MUUQAAL

0
756

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Taliyaha qaybta guud ee booliiska Gobolka Banaadir, Maamulka degmada Kaaraan iyo Saraakiisha laamaha amniga ayaa Afur wadareed la qaatay odayaasha, culummada iyo macallimiinta Waaxda Jamhuuriya ee degmada Kaaraan.

Ujeedka afur wadareedka ayaa ahaa in Guddoomiyaha Gobolka Banaadir, saraakiisha amniga iyo bulshada Waaxda Jamhuuriya ee ka wada-tashadaan xaaladaha amni iyo arrimo bulsho ee ka taagan waaxda, kaddib cabasho ka timid bulshada oo la xariira dhibaatooyin ay ku qabaan burcadda.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho oo ka jawaabaya cabashooyinka bulshada, isla markaana tixgelinaya talooyinka ay soo jeediyeen odayaasha, culummada iyo macallimiinta Waaxda Jamhuuriya ayaa ballan-qaaday in wax laga qaban doonno cabashada ka timid bulshada ku dhaqan Waaxda Jamhuuriya ee degmada Kaaraan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here