Guddoomiye Kuxigeenka Maamulka Gobolka Banaadir ee Maamulka & Maaliyadda Mudane Ciise Maxamuud Guure ayaa xafiiskiisa kula kulmay guddiga qaban-qaabada banbaxa ay ku kulmi doonaan dhamaan Maamulka Gobolka Banaadir 27 – 29ka December 2022.
Guddoomiye Ciise Guure ayaa si kooban ugu qeexay guddigan ujeedada laga leeyahay banbaxan oo ah in laga abuuro Gobolka jawi ku haboon u adeegidda shacabka ku nool Magaalada Muqdisho oo ku saleysan sharciyad & aqoon xirfadeysan, islamarkaana ay tilmaaman yihiin xafiisyada fulinaya iyo waajibaakooda.
Guddoomiyaha waxa uu hoosta ka xariiqay in banbaxan laga filaayo in uu ka soo baxo document qeexayo istiraatiijiyada 5ta sanno ee socoto oo ay wehliso qorshe sannadeedka sannadka 2023.













