Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliya oo booqday qaybta faraha ee CID-da: SAWIRRO

0
55

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sulub Axmed Firin ayaa maanta kormeeray qeybta faraha ee hoggaanka baarista dambiyada ee CID-da.

Taliye Firin ayaa u kuur-galay hannaanka shaqo ee shacabka loogu adeego, wuxuuna hawsha socota ka wareystay dadkii shacabka ahaa ee goobta loogu adeegayay.

Dhanka kale, Taliyaha Booliiska Somalia ayaa saraakiisha faray in ay si xirfad, akhlaaq iyo anshax-wanaag ku dheehan tahay loogu adeego shacabka adeegga u doonta CID-da.

Ugu dambeyn, Tallaabadan ayaa qayb ka ah dadaallo uu doonayo taliyaha inuu ku xakameeyo laaluusha shacabka u adeeg toobya CID-da lagu xujeeyo.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here