SAWIRRO: Madaxweyne Xasan Shiikh oo kulan la qaatay Wasiirka Arimaha Dibadda Dalka Burundi

0
442

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa Madaxtooyada Qaranka kulan kula qaatay Wasiirka Arrimaha Dibadda dalka Burundi Mudane Albert Shingiro oo booqasho ku jooga dalkeenna.

Wasiirka ayaa Madaxweynaha soo gaarsiiyay farriin iyo salaan uu ka siday Madaxweynaha dalkiisa Mudane Évariste Ndayishimiye, iyadoo Dowladda Burundi ay hoosta ka xariiqday muhiimadda nabadda iyo xasilloonida Soomaaliya ay u leedahay Gobolka iyo Adduunka.

Sidoo kale, Wasiirka ayaa sheegay in dalkiisu ay bogaadinayaan guulaha deg-degga ah ee dowladda Soomaaliyeed ay ka gaartay dagaalka lagula jiro kooxda argagixisada ah ee Al-shabaab, isagoo xusay in dalkiisu uu garab taagan yahay shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed.

Dhankiisa, Madaxweynaha Soomaaliya ayaa kala hadlay Wasiirka xoojinta xiriirka labada dal, waxa uuna xusay in shacabka iyo dowladda Soomaaliyeed ay soo dhawaynayaan booqashadiisa, taas oo ka tarjumeysa hor u socodka dowladnimada Soomaaliyeed iyo dib u kabashada dalka.

Ugu dambeyn, Dalka Burundi waxaa ka jooga Soomaaliya kumannaan askari oo qayb ka ah hawlgalka Midowga Afrika ee ATMIS, kuwaasoo dowladda ka taageera sugidda goobaha muhiimka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here