Duqa Caasimadda iyo Mas’uuliyiin la socday oo booqday waddada isku xirta isgoysyada Dabka iyo Bakaaraha: SAWIRRO

0
350

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale), ku-xigeennada maamulka Gobolka Banaadir, wasiir ku-xigeenka warfaafinta XFS iyo xubno kale ayaa caawa kormeer ku tagay waddada dheer ee isku xirta isgoyska Dabka iyo isgoyska Bakaaraha ee Muqdisho oo ay waxyeello kasoo gaartay roobabkii El-Nino ee ka da’ay caasimadda dalka.

Guddoomiyeyaasha degmooyinka Hodan iyo Hawl-wadaag ayaa halkaas warbixin ku siiyay guddoomiye Madaale, xilli ay ku guda jireen dadaallo lagu hagaajinayo waddadaas, si xal loogu helo burburka soo gaaray, waxa ayna sheegay in dhawaan la soo gaba-gabeyn doonno qorshaha dib-u-dhis ee waddadaas.

Duqa Caasimadda ayaa kula dardaarmay maamulada degmooyinka Hodan iyo Hawl-wadaag in ay juhdi fara badan geliyaan dadaalada socda ee xalka loogu raadinayo sidii dib loogu dhisi lahaa waddadaas, isla markaana isku socodka gaadiidka iyo bulshada uu si caadi ah ugu soo noqon lahaa.

Ugu dambeyn, Roobabka El-Nino ee ka da’ay guud ahaan dalka ayaa sababay khasaaro isugu jira barakac, burbur iyo aafooyin kale oo saameyn ku yeeshay nolosha iyo kaabayaasha isku-socodka dalka, iyadoo guud ahaan DFS, maamul-goboleedyada iyo maamulka gobolka Banaadir ay dadaal ugu jiraan sidii loo maareyn lahaa saameynta ka dhalatay roobabka El-Nino.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here