Guddoomiyaha guddiga madaxa-banaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka mudane Burhaan Aadan Cumar ayaa maanta xilka kala wareegay ku-simihii Guddoomiyaha Guddiga ahna wasiir u dowlaha Wasaarada Cadaaladda iyo Dastuurka Marwo Muumino Sheekh Cumar.
Munaasabadda xil-wareejinta oo ka qabsoontay xarunta Golaha Aqalka Sare ee BJFS ayaa waxaa kasoo qayb-galay Wasiirka Caddaaladda iyo Arrimaha dastuurka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Mudane Xasan Macalin Maxamuud, Guddoonka labada Aqa lee BJFS, xubnaha Guddiga,
Guddoomiyaha Guddiga la socodka dastuurka labada Aqal Xildhibaan Xuseen Iidoow, Xildhibaanada labada gole ee baarlamaanka, agaasimaha guud ee madaxtooyada Qaranka, Xoghayaha joogatada ee xafiiska ra’iisul wasaaraha iyo marti sharaf kale.
Ugu dambeyn, Mas’uuliyiinta goobta ka hadashay ayaa Guddiga madaxa-banaan ee dib u eegista iyo hirgelinta Dastuurka Alle uga baryay inuu u fududeeyo xilka culus ee loo igmaday, waxa ayna kula dardaarmeen in shaqada loo diray ay u qabtaan si danta dalka ku jirto.