Maamulka G/Banaadir oo lagu wareejinayo adeegyda caafiimaadka

0
807

Wasiirka Wasaaradda Caafimaadka JFS. Dr. Fowsiya Abiikar Nuur ayaa maanta xafiiskeeda ku qaabishay Guddoomiyaha Gobolka Banaadir Ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) .

Wasiir Fowsiya ayaa duqa Muqdisho ka hadashay sidii adeegyada caafimaadka loogu wareejin lahaa maamulka G/Banaadir, si dowladda hooose ay u bixiso dhamaan adeegyada caafimaad ee caasimadda.

Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa soo dhaweyay soo wareejinta adeegyada caafimaad oo markii hore ay bixin jirtay wasaaradda caafimaad, balse hada ay la wareegtay dowladda Hoose.

Wasaaradda Caafimaadka Xukuumadda Federaalka Soomaaliya ayaa wado qorshe ay maamulada dalka ugu daadejineyso adeegyada caafimaadka ee ay shacabka u baahan yihiin.

 

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here