Maamulka degmada Cabdicasiis ee Gobolka Banaadir ayaa maanta raashin deeq ah u qaybiyay 200 oo qoys oo dan-yar ah kuwaas oo ka mid ah dadka ku nool degmadaas.
Deeqdan raashunka ah oo ay dadku baahi weyn u qabeen ayaa waxa ay timid iyada oo lagu jiro bisha barakeysan ee Ramadaan.
Dhanka kale, Qaybinta deeqdan oo uu goob-joog ka ahaa guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo siyaasadda degmada Cabdulcasiis Maxamed Xasan Maxamuud ayaa waxaa ka mahadceliay dadkii loo qaybiyay.
Ugu dambeyn, Ma ahan markii ugu horreysay oo maamulka degmada Cabdulcasiis uu raashin gargaar ah u qaybiyo shacabka degmadaas ku nool, balse dhawr jeer oo hore ayuu sidan oo kale gargaar u qaybiyay.














