Gudoomiye Cali Yare oo shir gudoomiyay kulan looga hadlayay dardar-gilinta amniga Caasimadda

0
379

Guddoomiye ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Cali Cabdi Wardheere (Cali yare) ayaa shir gudoomiyay kulan looga hadlayay dardar-gilinta Amniga Magaalada Muqdisho oo ka dhacay Aqalka Dowlada Hoose ee Xamar.

Waxaa diirada lagu saaray sidii la isugu xiri lahaa Hay’adaha amniga iyo Maamulada Degmooyinka, waxaana lagu go’aamiyay in la soo celiyo kormeerkii joogtada ahaa ee ay wada sameyn jireen Hay’adaha Amniga iyo Maamulada Degmooyinka kaasoo lagu xaqiijinayo Amniga Caasimada.

Waxaa kaloo kulanka looga hadlay u diyaar garoowga amniga doorashooyinka fooda nagu soo haya.

Waxuu ku soo dhamaaday jawi wanaagsan, waxaa goobjoog ka ahaa Agaasimaha Guud ee Amniga Caasimadda oo ay wehliyaan Agaasimiyaasha Waaxyaha Amniga iyo Siyaasada Gobolka Banaadir, Lataliyaal iyo Saraakiil ka tirsan Laamaha Amniga.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here