Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uu weliyo taliye ku-xigeenka ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed, sarreeye guuto Cabaas Amiin Cali iyo guddiga bangiyada Soomaaliyeed ayaa kormeer ku sameeyay qaybta saalada isbitaalka Xoogga Soomaaliyeed oo dib-u-dhis lagu sameeyay, taasoo ay maal-geliyeen guddiga bangiyada Soomaaliyeed.
Dib-u-dhiskan ayaa yimid kaddib markii Guddoomiyaha Gobolka Banaadir uu ka codsaday guddiga bangiyada in gacan at ka geystaan dib-u-dhiska Isbitaalka Xoogga, waxa uuna Duqa Muqdisho kaga mahad-celiyay guddiga bangiyada jawaabta ay ka bixiyeen codsigaas oo suuragal ka dhigay in maanta taliska ciidanka xoogga dalka lagu wareejiyo qaybta saalada ee Isbitaalka Xoogga dalka oo dib-u-dhis ballaaran lagu sameeyay.














