Taliyaha Booliiska oo codsi u gudbiyay Safiirka Imaaraadka Carabta u jooga Muqdisho: SAWIRRO

0
374

Taliyaha Ciidanka Boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Sulub Axmed Firin ayaa maanta booqday saraafada Dowladda Imaaraadka  Carabtab ee Muqdisho. Waxaana soo dhaweeyay taliyaha danjiraha safaraada mudane Axmed Jimca Al-ramiisi.

Kulanka ayaa looga hadlay sidii dowladda Imaaraadku gacan uga geysan lahayd dhismaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed, iyadoo safiirku sheegay in dowladdiisu ay garab istaagi doontaa ciidanka booliiska Soomaaliyeed.

Ugu dambeyn, Taliyaha ciidanka booliiska Somalia ayaa uga mahadceliyay safiirka soo dhaweyntiisa iyo garab-istaaga ciidanka booliiska Soomaaliyeed.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here