Haween lagu laayay xafadda Warlaliska ee degmada Dayniile

0
131

Rag ku beysan ayaa xaafada Warlaliska ee degmada Dayniile, waxeey ku toogeen sedex haween oo ka mid ahaa dadka deegaanka.

Inta la xaqiijiyay labo haween ah ayaa isla goobta ku dhintay, mid kalena dhaawac culus ayaa ka soo gaaray weerarka sida ay xaqiijiyeen dad goobjoogeyaal ah.

Haweenka oo ahaa sedex ruux ayaa la toogtay xili ay mooto bajaaj u raacayeen goobtooda shaqo, iyada oo kooxihii falkaasi ka dambeeyay ay goobta ka baxsadeen.

Haweenka geeriyooday ayaa la sheegay inay xaamilo ahaayeen, ehelladooda ayaa meydkooda goobta ka qaatay, kadib markii lagu wargeliyay in la dilay.

Haweenkan la dilay ayaa howlo nadaafadeed ka sameyn jiray xarunta Wasaarada Gaashaandhiga.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here