Kulanka looga hadlayay horumarinta iyo kor u qaadidda hannaanka maaliyadeed ee Gobolka Banaadir ayaa maanta ka qabsoomay xafiiska guddoomiye ku xigeenka maamulka iyo maaliyadda gobolka Banaadir.
Ujeedka guud ee kulanka looga hadlay ayaa ahaa in dib u habeyn lagu sameeyo hannaanka maaliyadeed ee Gobolka Banaadir si loo helo maamul-wanaag shacabkana loogu adeego hufnaan.
Kulanka intii uu socday waxa lagu soo bandhigay qiimeyn ay sameeyeen Institute Public Finance ee Soomaaliya ee ku aaddan nidaamka loo maamulo dakhliyada iyo qarashaadka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar.
Kulanka waxaa ka qaybgalay dhammaan agaasimayaasha waaxyaha kala duwan ee hoos-taga qaybta maamulka iyo maaliyadda Gobolka Banaadir.
Kulanka waxaa shur-guddoominayay guddoomiye ku xigeenka Maamulka iyo Maaliyadda Gobolka Banaadir Mudane Ciise Maxamuud Guurre .













