Ciidammada Qaranka oo Hawlgal Qorshaysan oo Khasaare loogu geystay Khawaarijta ka fuliyay Deegaanka Buq-aqable

0
364

Ciidamada Dowladda Federaalka Somalia ayaa Howlgal lagu beegsaday sadex xarumood oo Khawaarijtu ay lahaayeen, kuwaas oo dhamaantood la burbruriyay.

Xarumaha la burburiyay waxaa ka mid ahaa garaash ay Khawaarijta u yaaleen in la badam 20 gaari oo ah kuwa dagaalka dhamaantoodna waa la burburiyay iyadoo laga dhigay hawlgab.

Hawlgalka xiga wuxuu ka dhacay xarunta maamulka Khawaarijta, taaso gabi ahaan la burburiyay, waxaa lagu dilay shan xubin oo ka tirsan Khawaarij ah oo mid ka mid ah uu ahaa horjooge.

Sidoo kale, Hawlgal kale qorsheysan ayaa lagu bar-tilmaameedsaday isbaaro koox ka tirsan Khawaarijta ay ku sugnaayeen, taas oo ku taalla bannaanka buqda, halkaas ayaa lagu laayay dhammaan maleeshiyaadkii goobta ku sugnaa.

Hawlgalka ayaa inta la xaqiijiyay waxaa lagu dilay 18 Khawaarij oo laba ka mid ah ay ahaayeen horjoogayaal, waxaa la burburiyay 20 gaari oo ah kuwa dagaalka oo ay ku rakibnaayeen qoryo culus, dhanka kale waxaa la burburiyay labo xafiis iyo hal isbaaro oo kooxahaas ay lahaayeen.

Ugu dambeyn, Hawlgalkan oo Jimcaha maanta ah dhacay; waxa uu ka mid yahay hawlgalo isdaba-joog ah kuwaas oo barbar socda hawl-gallo lagu beegsaday tiro ka badan 10 deegaan oo ah kuwo kooxaha Khawaarijta ah ay ku sugnaayeen iyadoo lagu burburiyay warshado qaraxyada lagu sameeyo, gaadiid, saanad, xafiisyo iyo is-baarooyin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here