Madasha Soomaaliya iyo dalalka safka hore oo looga hadlayo isku dubaridka hawlgallada dalka looga ciribtirayo Khawaarijta ayaa maanta ka furmay Magaalada Muqdisho.
U jeedka kulanka ayaa ah in qorshe mideysan lagu billaabo wajiga labaad ee hawlgalka dib u xoreynta dalka, kaas oo ay ka qaybgali doonaan ciidamada dalalka dariska.
Shirkan oo saddex maalin socon doona ayaa waxaa furay, Wasiirka Difaaca JFS mudane Cabdiqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) iyadoo ay ka qaybgaleen wasiirrada, arrimaha gudaha, cadaaladda, wasiir-u-dowlaha amniga gudaha iyo taliyeyaasha xoogga iyo booliiska.
Dhanka kale, waxaa ka qayb-galaya wasiirada amniga dowlad-goboleedyada oo lagu casuumay, ergeyga gaarka ah ee madaxweynaha u qaabilsan xasilinta Maxamed Cabdi Waare.














