Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa Axadda Maanta ah dalka ku soo celisay 137 muwaadin oo laga soo samata-bixiyat colaadaha ka taagan dalka Suudaan, kuwaas oo qayb ka ah Soomaalida laga soo daad-gureynayo Suudaan.
Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalia iyo xafiiska madaxweynaha Soomaaliya u qaabilsan soo galootiga ayaa Muqdisho kusoo dhoweeyay 73-qof, halka 64-qof ay diyaaraddu ka dajisay magaalada Garoowe ee Puntland.
Xoghayaha joogtada ah ee wasaaradda arrimaha dibadda Somalia, Xamza Aadan Xaadoow oo ka warbixiyay soo dhaweynta muwaadiniintan dalkooda lagu soo celiyay ayaa sheegay in Dowladda Soomaaliya ay sii xoojisay dadaallada lagu soo celinayo muwaadiniinteeda ku sugan Suudaan iyo dalalka ay ood-wadaagta yihiin.
Sidoo kale, Wasaaradda Arrimaha Dibadda Soomaaliya ayaa illaa hadda ku guulaysatay lix duulimaad oo sida muwaadiniinta Soomaaliyeed oo laga soo badbaadiyay colaadaha dalka Sudan, waxaana caawa la sugayaa duulimaadkii todobaad oo ka imaanaya Magaalada Jubba ee Caasimadda Dalka Koonfurta Suudaan oo ka mid ah meelaha ay dublamaasiyiinta Wasaaradda Arrimaha Dibddda Somalia shaqada adag ka qabteen.
Dhanka kale, C/llaahi Cabdinuur Jaamac oo la socday diyaarad siday 64 muwaadin ee maanta laga dajiyay magaalada Garoowe ee Puntland, ayaa amaanay shaqada ay Wasaaradda Arrimaha Dibadda Somalia u qabatay dadka colaadaha Suudaan kasoo cararay.
Ugu dambeyn, Toddobaadyo ka hor ayay ahayd markii dowladda Soomaaliya ay sidan oo kale dalka ugu soo celisay in la badan 120 muwaadin oo Soomaaliyeed, kuwaasoo laga soo samata-bixiyay dalka Suudaan oo ay weli ka socdaan colaado.














