Xafiiska Hantidhawrka Guud ee Qaranka ayaa faray qaar ka mid ah mas’uuliyiintii hore ee hay’adaha dowladda Somalia oo la maqan gaadiid ay leeyihiin hay’adahaas inay dib u soo celiyaan gaadiidkaas muddo labo todobaad gudahood ah.
Qoraal laga soo saaray xafiiska Hanti-dhawrka guud ee Qaranka ayaa lagu yiri:
Xafiiska Hantidhawrka Guud Qaranka (XHGQ) waxaa uu la socdaa in mas’uuliyiintii hore ee dowladda qaar ka mid ah ay la maqan yihiin gaadiid ay leeyihiin hay’adaha kala duwan ee DFS, taasoo ah arrin uu XHGQ il-gooni ah ku hayo, tixgalin gaar ahna siinayo.
Haddaba, si loo dhawro, loona xafido hantida iyo ammaanada Ummadda Soomaaliyeed, waxaan mas’uuliyiintii hore ee dowladda iyo hay’adaha Dowladda Federaalka Soomaaliya (DFS) ku wargalinaynaa mas’uuliyiintii hore:
1. In ay sida ugu dhagsiyaha badan muddo laba (2) toddobaad gudahooda ah ay gaadiidka dib ugu celiyaan hay’adaha DFS ee leh gaadiidkaas;
2. In ay sameeyaan wixii cillad ama garaafo ah oo soo gaaray gaadiidkaas intii ay wateen;
3. In ay saxiixaan dukumiintiyada wareejinta hantida, marka ay ku wareejinayaan hay’adaha DFS ee leh gaadiidkaas.
Hay’adaha Dowladda Federaalka ayaa iyagana laga falbaday qodobbadaan soo socda:
1. In ay sida ugu dhagsiyaha badan muddo afar (4) cisho gudahood ah ay liiska gaadiidka ka magan hay’adaha DFS u soo gudbiyaan xafiiska Hanti-dhawrka Guud;
2. In ay hubiyaan xaaladda/marxaladda ay ku sugan yihiin gaadiidka ay kala wareegayaan mas’uuliyiintii hore ee DFS; 3. In ay saxiixaan dukumiintiyada wareejinta hantida, marka ay la wareegayaan hantida;
4. In ay xafiiska Hantidhawrka Guud la soo wadaagaan dukumiintiyada wareejinta hantida, marka ay kala wareegaan hantida mas’uuliyiintii hore ee DFS;
5. In hay’adaha DFS ay hakiyaan gadashada/iibsashada gaadiid cusub inta xafiiska Hantidhawrka uu arrinkan ka xallinayo.
Sidaa darteed, mas’uuliyiintii hore iyo dhammaan hay’adaha DFS ee u hoggaansami waaya wargelintan iyo kuwii ka horreeyay, khasaaraha hantiyeed ee ka dhasha waa lagula xisaab tamidoonaa qof iyo hay’ad walba iyadoo fal-danbiyeedka arrinkaa ka dhasha uu xafiiska Hantidhawrka u gudbin doono hay’adaha ku shagada leh si waafagsan qodobka 15-aad ee sharciga xafiiska Hantidhawrka si loo hor-geeyo sharciga, loogana qaado tallaabo adag.













