Chelsea oo Sannadka cusub gelaysa iyadoo Jahwareersan

0
96

Chelsea ayaa sannadka cusub ula kowsanayaa jadwal cidhiidhi ah oo halis gelin karaya mustaqbalka tababare Frank Lampard oo marka hore uu saarnaa culays weyni.

Blues ayaa Axadda la ballansan Manchester City kulan ka tirsan horyaalka Premier League, kaas oo haddii laga badiyo ay laalmayso fursaddii uu Lampard kusii ahaan lahaa tababare, laakiin ciyaartan ayaa waxa hadheeyey shaki ah inay qabsoomi doonto kaddib fayras ka dillaacay xarunta tababarka Man City oo shan ciyaartoy iyo xubno shaqaale ah kaga dhacay.

Inkasta oo City ay dib ugu soo laabatay tababarka Arbacadii shalay kaddib markii la baajiyey ciyaarteedii Isniintii ee Everton ay martida u noqon lahayd, waxa muuqata inay isku diyaarinayso safarka Stamford Bridge, iyadoo baadhitaano lagu samayn doono xiddigaheeda ka hor inta aanay ka bixin magaalada Manchester.

Ciyaarta xigta ee Chelsea waxay la dheeli doontaa naadiga yar ee Morecambe oo heerka afraad ah, waxaanay ku dheeli doonaan garoon cidlo ah, maadaama uu xanuunka Korona dib usoo laba kacleeyey.

Morecambe ayaa sida Man City oo kale, waxay karantiil gelisay ciyaartoydeeda iyo shaqaalaheeda December 28, kaddib markii ay soo baxeen in kiisas xanuunka ahi ay ku dhex jiraan gudaha kooxda.

Kulanka City iyo kan Morecambe oo baaqda, waxa uu Chelsea ku ridi karaa khalkhal ciyaareed iyo kulamo sanka isku haya, waxaana ku iman doonta in bishan January ay toddobaadyo ka mid ah saddex jeer ciyaaraan.

Haddii ay kulamadani ku dhacaan waqtigooda, waxay Blues kala mid ahaanaysaa jadwalka kooxaha kale ee ay ku xafiiltamayaan horyaalka, laakiin haddii dib loo dhigo, waxay halis ku tahay firaaqada iyo badqabka ciyaartoydeeda.

Si kastaba, tababare Frank Lampard ayaa wadnaha farta ku haya, waxaana uu u baahan yahay inuu jidka guusha kusoo celiyo kooxda si uu u ilaashado shaqadiisa kaddib laba ciyaarood oo isku xigay oo ay guul la’aan ahaayeen.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here