Agaasimayaal ka tirsan G/Banaadir oo kulammo la yeeshay Madax Caalami ah: SAWIRRO

0
797

Agaasimeyaasha Waaxda xiriirka dibadda iyo caafimaafka Maamulka Gobolka Banaadir ayaa kulammo kala duwan la yeeshay madaxa hay’adaha Diyanet Vakfi iyo agaasimaha guud ee hay’adda caafimaadka adduunka ee WHO.

Agaasimaha Waaxda xariirka dibadda iyo hay’adaha Caalamiga Maamulka Gobolka Banaadir Mudane Maxamed Xasan ayaa kulan la qaatay madaxa hay’adda Diyanet Vakfi Mudane Omer Faruk Arslan, iyagoo kawada hadlay xoojinta iskaashiga hay’adda Diyanet Vakfi iyo maamulka Gobolka Banaadir, taageerida gargaarka dadka barakacayaasha ah iyo sidii fursad waxbarasho loo siin lahaa ubadka Soomaaliyeed. gaar ahaan kuwa kasoo jeeda qoysaska danta yar.

Dhanka kale, Agaasimaha Caafimaadka Gobolka Banadir Dr. Cabdiraxmaan Axmed Maxamed ayaa la kulmay Agaasimaha Guud ee Hay’adda WHO Soomaaliya.

Labada dhinac ayaa kawada hadlay in kor loo qaado wada-shaqeeynta ka dhexeeysa waaxda caafimaadka gobolka Banaadir iyo hay’adda WHO.

Gunaanadkii, Waxaa la isku afgartay in la hubiyo hufnaanta hawlaha mashaariicda ee la xariirta arrimaha Caafimaadka, sidoo kale labada agaasime ayaa isku raacay in laga wada shaqeeyo hubinta iyo tayada adeegga caafimadka maamulka Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here