SAWIRRO: Diyaaradda FLY-DUBAI oo billowday dullimaadyo toos ah oo ay Muqdisho ku imaanayso

0
567

Diyaaradda laga leeyahay dalka Isu-tagga Imaaeaadka Carabta ee Fly-dubai ayaa maanta si rasmi ah u billowday duulimaad toos oo ah Muqdisho – Dubai yo sidoo kale Dubai – Muqdisho.

Garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde ee Muqdisho ayaa waxaa soo caga-dhigatay diyaaradda Fly-dubai oo nooceedu yahay Boeing 737 Max, waxa ayna sidday rakaab ay ka keentay Dubai, UAE.

Munaasabadda xarig-jarka diyaaraddan oo ka dhacay gudaha garoonka Muqdisho ayaa waxa ay diyaaraddu gellinkii dambe ee maanta qaadday rakaab ku socday Dubai.

Shirkadda Fly-dubai oo xarunteedu tahay Dubai ayaa waxa ay shaacisay inay ka billaabayso Soomaaliya duullimaadyo toos ah 14-kii Feb. 2023. Waxaana duulimaadka ay ku imaanayso Muqdisho ay noqon doontaa hal maalin, balse bisha Juun ee sanadkan ayay ka dhigi doontaa laba maalin duullimaadyada ay Muqdisho ku imaan doonto todobaadkii

Diyaaradda Fly-dubai ayaa waxa ay horay duullimaadyo ugu imaan jirtay Hargeysa, iyadoo Muqdisho ay noqonayso magaaladii labaad ee diyaaraddan ay duullimaadyo ku imaanayso toddibaad walba.

Ugu dambeyn, duullimaadka ay Muqdisho maanta ku timid diyaaradda Fly-dubai ayay shirkaddu ku sheegtay inay fure u noqon doonto duullimaadyo ay ku tagayso dalal cusub oo Afrika ku yaalla.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here