Agaasime Dhicisoow oo Muqdisho kula kulmay Wafdi ka socday Hay’ad Samafal oo Turki ah: SAWIRRO

0
363

Agaasimaha Waaxda Horumarinta Adeegyada Waxbarashada Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Macallin Dhicisow, howlwadeenada xafiiska adeegyada waxbarashada iyo xubno dadka baahiyaha gaarka ah qaba ee gobolka Banaadir ka mid ah ayaa maanta kulan hordhac ah la yeeshay xubno ka socday hay’ad samafal oo ka timid dowladda aan walalaha nahay ee Turkiga.

Kulankan ayaa diiradda lagu saaray sidii loo horumarin lahaa, loona taageeri lahaa dadka qaba baahiyaha gaarka ah, gaar ahaan dadka aragga la’ oo baahidoodu ay yihiin kuwo aad uga tiro badan dadka kale ee baahiyaha gaarka ah qaba.

Ugu dambeyn, Kulanka ayaa hordhac u ah wada-hadallo kale oo soo socda, waxaana uu kusoo dhammaaday guul iyo is-afgarad wanaagsan. Waxayna xubnihii ka socday Turkiga ay muujiyeen sida ay uga go’an tahay gacan siinta dadka baahiyaha gaarka ah qaba oo dhan, gaar ahaan kuwa aragga naafada ka ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here