Duqa Muqdisho oo Gaaray Deegaanno ka tirsan Gobolka Shabeellada Dhexe oo ay ku sugan yihiin Ciidanka Xoogga Dalka: SAWIRRO

0
134

Guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo uu wehliyo Xildhibaan Yuusuf Kabaale ayaa gaaray deegaanada Nuur-dugle iyo Caddaan Laxey ee gobolka Shabeelada dhexe, halkaas oo ay kula hadleen ciidamada xoogga iyo xoogagga difaaca shacabka ee isku diyaarianaya in cadowga ay ka saaraan goobaha fara ku tiriska ah ee gobolkaas ay ka joogaan.

Guddoomiye Madaale iyo Xildhibaanka ayaa safarkoodu ku saabsan yahay dardar-galinta hawlgalka xoreynta deegaannada Bariga gobolka Shabeelada dhexe ay ka joogto Khawaarijta.

Goobaha uu maanta gaaray Duqa Muqdisho iyo deegaanno kale oo jiidda ah, waxaa hore u joogey qaar ka mid ah guddoomiyeyaasha degmooyinka iyo deegaannada gobolka Banaadir.

Ma ahan markii ugu horreysay oo uu Duqa Muqdisho booqdo ciidanka Qalabka Sida ee ku sugan furumaha dagaalka, balse dhawr jeer oo hore ayuu booqday, laakiin socdaalkan waa ka duwan yahay kuwii hore oo ku sinnaa dhiirri-gelin.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here