Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa Aqalka Dowladda Hoose ee Xamar casho sharaf ugu sameeyey mas’uuliyiin ka kala socday baarlamaanada maamul-goboleedyada dalka, wasiirrada dastuurka maamul-goboleedyada iyo gobolka Banaadir, guddiga madaxa-bannaan ee arrimaha dastuurka iyo xubno kale oo Muqdisho ugu soo gaba-gaboobay la-tashiga ku aaddan soo jeedinta wax ka beddelka cutubyo ka tirsan dastuurka dalka.
Munaasabadaan ayaa waxaa goobjoog ka ahaa wasiirka wasaaradda cadaaladda iyo dastuurka XFS, mudane Xasan Macallin, guddoomiye ku-xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir, xoghayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir iyo mas’uuliyiin kale oo isugu jira heer federaal, maamul-goboleed iyo gobolka Banaadir.
Ugu dambeyn, Duq Muqdisho oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa halkaa ka jeediyay ayaa boogaadiyay la-tashiyada ku aaddan soo jeedinta wax ka badalka cutubyo ka tirsan dastuurka dalka. Waxa uuna sheegay in la joogo xilligii miiska la soo saari lahaa xuquuqda gobolka Banaadir iyo maqaamka caasimadda.























































