Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa guddoomiyay shirka degmooyinka iyo deegaannada Gobolka Banaadir oo todobaadkan loogu hadlay dib-u-dhiska Caasimadda, dardar-gelinta barnaamijka dalkaaga ku dhiso hal doollar, la-dagaallanka maandooriyaha iyo taageerida dagaalka Khawaarijta dhanka ka ah ee ka socda guud ahaan dalka, kaas oo uu hormuud u yahay Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud.
Guddiga dib-u-dhiska iyo horumarinta Caasimadda ayaa soo bandhigay halka uu marayo wejiga labaad ee barnaamijka hal doollar ku dhiso dalkaaga taas oo hadda lagu dhisayo waddooyin muhiim ah oo ku yaalla Muqdisho iyo qaabka ugu fudud oo ay bulshada ugu qayb-qaadan karaan barnaamijkas hirgalay ee dalkaaga hal doollar ku dhiso.
Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa faray maamullada degmooyinka iyo deegaanada oo kaashanaya shacabka Caasimadda in ay hormuud u noqdaan taageerada wejiga labaad ee dagaalka Khawaarijta dhanka ka ah iyo sidii ciidamada Qaranka iyo kuwa deegaannada loo gaarsiin lahaa wixii baad iyo taageero ah oo ay u baahan yihiin.
Ugu dambeyn, shirka ayaa loogu hadlay la-dagaallanka maandooriyaha, garan-waaga, nadaafada iyo bilic soo celinta Caasimadda, waxaana goobjoog ka ahaa; guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta Maamulka Gobolka Banaadir, guddoomiye ku-xigeenka Howlaha Guud, Agaasimeyaal, la-taliyeyaal, Madaxda maamullada degmooyinka iyo deegaannada gobolka Banaadir iyo Hawl-wadeenno kale oo ka tirsan maamulka Gobolka iyo Dowladda Hoose ee Xamar.














































