Maamulka Gobolka Banaadir oo xiray Injineer dhisayay Masaajid ku dumay Degmada Kaxda ee Magaalada Muqdisho: SAWIRRO

0
265

Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) oo uu wehliyo Xoghayaha Guud ee Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Faysal Carraale Afrax iyo guddoomiyaha degmada Kaxda mudane Cabdullaahi Sheekh ayaa ku baxay dhibaato ka dhalatay dhisme Masjid soo dumay oo ku yaalla degmada Kaxda, kaas oo sababay dhaawacyo soo gaaray shaqaalihii dhisayay Masjidka iyo dad shacab ah oo ka ag-dhawaa.

Mas’uuliyiinta maamulka gobolka ayaa xaqiijiyay in la xiray injineerkii dhismaha waday iyo dad kale oo mas’uuliyadda dhismahaas qayb ku lahaa, si loola xisaabtamo, iyaga oo sheegay in aan la aqbali karin dhibaatooyinka soo noq-noqday ee ka dhasha burburka ku yimaada dhismayaasha laga wado Muqdisho.

Ugu dambeyn, Arrintan ayaa imaanaysa iyada oo Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) uu shalay daah-furay dib-u-hawl-gelinta sheybaarka hubinta tayada dhismaha, si loo tayeeyo dhismooyinka Muqdisho, waxa uuna sheegay in waxii hadda ka dambeeya la hubin doono tayada dhisma iyo qalabka lagu dhisayo, lana hubin doono aqoonta injineerada wax dhisa.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here