SAWIRRO: Xulka Kubada Cagta Gobolka Banaadir oo 2-1 uga adkaaday xulkii metelayay Maamul-goboleedka Galmudug

0
352

Kulan xiiso badan qayb ka ah tartanka kubadda cagta ee maamul-goboleedyada dalka iyo maamulka gobolka Banaadir oo ay u soo daawasho tageen kumannaan taageerayaal ah ayaa garoonka kubadda cagta ee Muqdisho Stadium waxa uu ku dhex-maray xulalka kubadda cagta ee gobolka Banaadir iyo Galmudug, taas oo kusoo dhammaatay 2-1 oo ay guusha ku raacday xulka kubadda cagta gobolka Banaadir.

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa hambalyo u diray xulka kubadda cagta gobolka Banaadir guusha ay gaareen iyo cayaar wanaagga asluubeysan oo ay soo bandhigeen. Waxa uuna u rajeeyay in kulammada u harsanna ay guulo ka gaaraan si ay u difaacdaan koobka kubadda cagta ee cayaaraha maamul-goboleedyada dalka oo sanadkii ugu dambeeyay ay ku guuleysteen Xulka ka socday gobolka Banaadir.

Ugu dambeyn, Xulka Kubadda Cagta ee maamulka gobolka Banaadir oo la soo cayaaray xulalka Koonfur-galbeed, Hir-shabelle iyo Galmudug ayaa waxay hadda leeyihiin 6-dhibcood. Waana kooxda u haysa kala horreynta xulalka K/cagta maamul-goboleedyada ee tartankan ka qayb-galaya.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here