Maamulka G/Banaadir oo heshiis wax-wada-qabsi la saxiixday Shirkad laga leeyahay Dalka Turkiga: SAWIRRO

0
272

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa casho sharaf u sameeyay Dr. Sercan ÖZAYDIN oo ah la-taliyaha madaxweynaha dalka Turkiya iyo ganacsade ka tirsan shirkadda 2M Kurumsal oo ah shirkad ka shaqeysa dhinaca nadaafadda.

Casho-sharafta waxaa goobjoog ka ahaa; Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh), agaasimaha nadafada iyo bilic soo celinta dowladda hoose ee Xamar, Maxamed Suudi iyo xubno kale.

Mas’uuliyiinta maamulka bobolka Banaadir ayaa shirkadda 2M Kurumsal kala hadlay sidii la isaga kaashan lahaa xal u helidda nadaafadda Caasimadda iyo in qashinka loo beddelo wax soo saar dhinaca tamarta ah, iyadoo laga dhalinayo Koronto, taas oo labada dhinac ay isla qaateen.

Ugu dambeyn, Duqa Caasimadda ayaa Dowladda Turkiya uga mahadceliyay garab istaaga dadka iyo dalka Soomaaliyeed iyo sida ay ugu heellan yihiin in dhinac walba ay kala shaqeeyaan, isaga oo la-taliye Dr. Sercan ÖZAYDIN u gudbiyay salaan iyo mahadcelin ka socota bulshada ku nool Caasimadda in uu gaarsiiyo Madaxweyne Recep Tayyip Erdogan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here