Maamulka Degmada Cabdulcasiis ee Gobolka Banaadir ayaa maanta raashin gargaar ah oo ay ku deeqday Dowladda Imaaraad Carabta u qaybiyay 350 qoys oo dan-yar ah.
Deeqdan loo qaybshay dadka ku nool degmada Cabdulcasiis ayaa waxay isugu jirtay, Timir, Bariis, Sokor, Caano iyo Saliid. Dadkii loo qaybiyay ayaa ka mahadceliyay gargaarka loo qaybiyay.
Guddoomiye ku xigeenka Siyaasadda iyo Amniga Degmada Cabdulcasiis, Maxamed Xasan oo goobta ka hadlay ayaa sheegay in deeqdan ay ka mid tahay deeqo horay loogu qaybiyay shacabja degmada, ayna jiraan deeqo kale oo shacabka loogu talo-galay.
Ugu dambeyn, Guddoomiye ku xigeenka ayaa hadalkiisa ku daray in deeqdan loogu talo-galay in shacabka ku nool degmada ay afur ka dhigtaan inta ay ku jiraan bishan barakeysan Ramadaan.














