Wasiir Axmed Fiqi oo bogaadiyay hawl-gallada ciidanka booliisku ka wadaan Muqdisho

0
612

Wasiirka Arrimaha Gudaha Fedaraalka iyo dib u heshiisiinta Xukuumadda Fedaraalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi ayaa bogaadiyay hawlgallada ay ciidamada booliiska Soomaaliyeed ka wadaan Muqdisho, kuwaasoo lagu bad-baadinayo nafta iyo maalka ummadda Soomaaliyeed.

Wasiir Fiqi oo la SONNA ayaa sheegay in ciidanka booliiska Gobalka Banaadir ay maalmihii lasoo dhaafay qaadeen tallaabooyin ay mahadiyeen bulshada Soomaaliyeed, iyagoo ka hortagay fal-dambiyeedyo khatar ku ah ammaanka muwaadiniinta Soomaaliyeed.

“Waxaan ku bogaadinayaa shaqada wanaagsan iyo adeegga ay ummadda Soomaaliyeed u hayaan ciidamada  booliiska Gobolka Banaadir kuwaasoo ay ku badbaadinayaan nafta iyo maalka umadda Soomaaliyeed,” ayuu yiri Wasiir Ahmed Fiqi.

Hadalka wasiirka ayaa imaanaya xilli ay ciidamada booliiska gobolka Banaadir soo qabteen xalay nin hubeysan oo dhac u geysanaya goob ganacsi, kaas oo lagu baahiyay muuqaalkiisa baraha bulshada.

Ugu dambeyn, ciidanka booliiska Gobalka Banaadir ayaa ku guuleystay qorshaha xasilinta amniga Caasimadda kaasoo si weyn looga dareemay guud ahaan magaalada Muqdisho, iyadoo laga hortay kooxo kala duwan oo burcad ah oo falal amniga caasimadda lid ku ah ka geysanayay magaalada Muqdisho.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here