Ciidamadii ugu horreeyay oo ka tirsan Ilaalada Madaxtooyada Somalia oo lagu tababaray Yurub

0
429

Wasiirka Amniga Gudaha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya Maxamed Axmed Sheekh Cali (Doodishe) iyo Wafdi uu hoggaaminayo ayaa gaaray Magaaladda Belgrade ee Caasimadda Dalka Serbia, iyadoo la sheegay inuu soo xirayo tababar ciidammo ka tirsan ilaalada Madaxtooyada Soomaaliya

Wasiir Doodishe ayaa dhanka kale waxa uu kulammo la qaadanayaa inya uu joogo Serbia wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga Qaranka ee dalkaas, Mudane Bratislav Gasić.Safarka Wasiir Doodishe ayaa qaadan doona muddo saddex maalmood ah, iyadoo booqashada wasiirku ay noqonayso tii ugu horreysay oo dalkaas ku tago wasiir Amni oo ka tirsan XFS.

Dalka Serbia ayaa ku yaalla Bariga Qaaradda Yurub, waxaana dhawaan safarro kala duwan ku tagay mas’uuliyiin ka tirsan Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Igu dambeyn, Jamhuuriyadda Faderaalka Soomaaliya iyo Jamhuuriyadda Serbia waxaa ka dhexeeya xiriir saaxiibtinimo oo dhawaan curad ah, kaasoo ku dhisan iskaashi labada dhinac ah.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here