SAWIRRO: Guddoomiye Madaale oo Daah-furay tartanka K/Koleyga Bisha Ramadaan ee Shibbis

0
554

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo ay wehliyaan Guddoomiye ku-xigeenka Amniga iyo Siyaasadda iyo Guddoomiye ku-xigeenka Arrimaha Bulshada iyo Wacyigelinta ayaa caawa daah-furay tartanka kubadda koleyga bisha Ramadaan ee degmada Shibbis.

Tartankan oo ay ka qayb-qaadanayaan kooxo dhallinyaro ah oo ka dhisan degmada Shibbis ayaa waxaa furitaanka goobjoog ka ahaa, guddoomiyaha degmada Shibbis, guddoomiyaha xariirka Soomaaliyeed ee kubadda koleyga, bahda cayaaraha iyo taageerayaal fara badan.

Ugu dambeyn, Tartankan ayaa qayb ka ah is-dhexgalka dhallinyarada iyo bulshada degmada Shibbis, waxa uuna socon doonaa inta ka dhiman bisha barakeysan ee Ramadaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here