Duqa Muqdisho oo amar ku bixiyay in gaadiidka xamuulka wada aysan magaalada dhexmari karin 10:00 habeennimo ka hor: SAWIRRO

0
232

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho, mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) oo tagay isgoyska Jubba oo uu ka dhacay shil gaari oo culus ayaa amar ku bixiyay in gaadiidka xamuulka wada ee ka yimaada dekedda Muqdisho aysan mari karin waddooyinka caasimadda wixii ka horreeya 10:00 habeennimo ama 4 saac oo habeenimo.

Shilkan oo ka dhashay gaar konteenar waday uu ku dul-dhacay gaari caasi ah oo ay saarnaayeen dad shacab ah ayaa la xaqiijiyay inuu sababay dhimashada laba qof oo midi ay haweeney tahay iyo laba kale oo dhaawac ah.

“Waxaa horay loo soo saaray awaamiir ah in gaadiidka ka yimaada dekedda ee wada xamuulka aysan maalintii socon karin oo habeenkii marka la gaar afar saac (10:00 habeennimo) laga soo fasaxo dekedda, balse shilkan dhacay mas’uuliyaddiisa waxaa qaadaya ciddii baabuurkaan soo fasaxday,” ayuu yiri guddoomiye Madaale.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka wax uu amar ku siiyay ciidamada nabadgalyada waddooyinka (Taraafikada) in gaadiidka xamuulka wada aan loo ogolaan inay waddooyinka maraan illaa laga gaaro 10:00 habeenimo.


LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here