Madaxweyne ku xigeenka Dowladda Galmudug, mudane Cali Daahir Ciid, ayaa magaalada Dhuusamarreeb ka daah furay dhismaha Golaha Deegaanka degmada Dhuusamarreeb ee caasimadda Dowladda Galmudug.
Madasha oo ay soo agaasintay Wasaaradda Arrimiha Gudaha iyo Dib’u heshiisiinta Dowladda Galmudug ayaa waxaa ka soo qeyb galay wasiirro iyo xildhibaanno ka tirsan Dowladda Galmudug, Odayaasha Dhaqanka, Ganacsatada, Haweenka iyo dhalinyarada degmada Dhuusamarreeb, kuwaas oo dhammaan soo dhaweeyay dhismaha Golaha Deegaanka.














