Guddoomiye Madaale oo ka Qayb-galaya Shirka Madasha Wada-tashiga Qaran ee Dhuuso-mareeb ka furmay: SAWIRRO

0
488

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdiaho, Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) ayaa ka qaybgalaya  shirka Golaha Wadatashiga Qaran oo maanta ka furmay caasimadda dowlad-gobolleedka Galmudug ee Dhuusamareeb.

Shirka oo uu gudoominayo Madaxweynaha Soomaaliya, Dr Xasan Sheekh Maxamuud, ayaa diiradda lagu saarayaa dardar-galinta hawlgallada dalka looga ciribtirayo kooxaha Khawaarijta ah iyo xasillinta deegaannada la xoreeyay iyo sidii loo gaarsiin lahaa addeegyada aasaasiga ah ee dowladda.

Shirka ayaa waxa sidoo kale ka qayb-galaya: Ra’iisul Wasaaraha Somalia, Mudane Xamse Cabdi Barre, Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Mudane Saalax Axamed Jaamac, Madaxweynaha Galmudug Mudane Axmed Cabdi Kaariye (Qoorqoor), Madaxweynaha Jubbaland Mudane Axmed Maxamed Islaam, Madaxweynaha Koonfur Galbeed Mudane Cabdicasiis Xasan Maxamed (Lafta-gareen) iyo Madaxweynaha maamulka Hirshabeele, Cali C/laahi Xuseen (Cali Guudlaawe).

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here