Shirka sanadlaha ah ee Hay’adda Lacagta Adduunka ee IMF iyo Bangiga Adduunka ayaa ka furmay magaalada Washington ee dalka Mareykanka, Waxaa shirkan Soomaaliya uga qayb-galaya wafdi uu hogaaminayo Wasiirka Maaliyadda DF Soomaaliya Mudane Cilmi Maxamuud Nuur.
Markuu shirku furmay ayuu Wasiirka Maaliyadda Somalia, Cilmi Nuur waxa uu kulammo gaar ah oo muhiim u ah Horumarinta dhaqaalaha Soomaaliya la qaatay Madaxda Hay’adaha caalamiga ah ee ka shsmaqeeya arrimaha maal-galinta.
Mudane Cilmi Nuur ayaa kulan gaar ah la qaatay agaasimaha fulinta xafiiska Bangiga Adduunka ee (Africa Group 1) Dr. Floribert Ngaruko oo ay ka wada-hadleen arrimaha dib-u-habeynya Maaaliyadda iyo dhaqaalaha Somalia.
Sidoo kale, Wasiirka ayaa kulan muhiim ah la qaatay Madaxweyne ku xigeenka Afrika ee Hay’adda Maalgalinta Bangiga Adduunka (IFC) Sérgio Pimenta, waxa ay si gaar ah diiradda ugu saareen sidii IFC ay u maalgelin lahayd ganacsiyada gaarka loo leeyahay ee bulshada Soomaaliyeed.
Dhanka kale, wasiirku waxa uu wada-xaajood la yeeshay wakiillo ka socda Dowladda Ruushka oo ka mid ah dowladaha Soomaaliya deynta ku leh, isla markaana muddooyinkii la soo dhaafay uu u socday wadahadal ku saabsan cafinta deynta Ruushku ku leeyahay Soomaaliya.
Ugu dambeyn, Shirka Sanadlaha ah ee Guddiga Sare ee IMF iyo Bangiga Adduunka ayaa socon doona muddo toddobaad ah, waxaana jiri doono kulammo muhiim ah oo diiradda lagu saarayo xaaladda dhaqaalaha dalka Soomaaliya.













