Maamulka Gobolka Banaadir iyo Hay’adda FCA Somalia ayaa yeeshay kulan uu shir-guddoominayay guddoomiye xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Maamulka Gobolka Banaadir, Mudane Maxamed Axmed Diiriye (Yabooh) kaasoo looga hadlay wada-shaqeynta maamulka iyo hay’adda FCA.
Kulanka ayaa lagu soo bandhigay hawlaha hortabinta u leh maamulka gobolka Banaadir ee la xiriira doorashooyinka tooska ah ee la qorsheeyay in ay ka dhacaan degmooyinka gobolka Banaadir.
Guddoomiye Ku xigeenka Amniga iyo Siyaasadda Gobolka Banaadir Mudane Yabooh ayaa kulanka ka sheegay aragtida maamulka gobolka ee ku aaddan ahmiyadda ay leedahay u diyaar-garowga doorashooyinka sida wacyigalinta dadweynaha iyo tababarrada hawl-wadeenada.
Ugu dambeyn, Maamulka Gobolka Banaadir ee uu dhawaan xilka guddoomiyaha gobolka ahna Duqa Muqdisho qabtay, mudane Maxamed Axmed Amiir ayaa sheegay in maamulkiisa uu ahmiyad weyn siinayo qabashada doorashooyinka si dadweynaha degmooyinka gobolka Banaadir u soo doorgaan golayaashooda deegaanka.