Duqa Muqdisho oo Shacabka Soomaaliyeed ugu Hambalyeeyay Bilashada Bisha Barakeysan ee Ramadaan: DAAWO MUUQAAL

0
232

Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane 𝐌𝐚𝐱𝐚𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐱𝐦𝐞𝐝 𝐀𝐦𝐢𝐢𝐫 ayaa shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa ku nool Caasimadda ugu hambalyeeyay bilashada bisha barakeysan ee Ramadaan.

Duqa Magaalada Muqdisho ayaa shacabka Soomaaliyeed kula dardaarmay in ay ka faa’ideystaan fadliga Ramadaanka oo ay isku gar-gaaraan si loo caawiyo dadka danta yar, waxa uuna Ganacsatada iyo dadka uu Eebe wax siiyay ugu baaqay in ay caawiyaan walaalahood danta yar ee aan awoodin in ay afur helaan.

“Bisha Ramadaan waa bil cibaado oo ah fursad sanadkiiba hal mar soo marta muslimiinta. Waa bil lagu yaqaan sadaqada iyo isku naxariisashada, sidaas darteed waa in inta uu Alle u nimceeyay aysan iĺloobin kuwa danta yar” ayuu yiri duqa Muqdisho.

Ugu dambeyn, Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Amiir ayaa ugu baaqay Bulshada Gobolka Banaadir in ay kaalin ka qaataan sugidda amniga inta lagu jiro bisha Ramadaan oo ay si dhaw ula shaqeeyaan laamaha amniga, isaga oo u rajeeyay inay nabad iyo caafimaad ku soomaan.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here