SAWIRRO: Guddoomiye ku xigeennada Hawlaha Guud iyo Arrimaha Bulshada Gobolka Banaadir oo dhagax-dhigay waddo

0
448

Guddoomiye ku-xigeenka howlaha guud ee maamulka gobolka Banaadir, mudane Xasan Maxamed Jimcaale iyo guddoomiye ku-xigeenka arrimaha bulshada maamulka Ggobolka Banaadir, mudane Cabdicasiis Cismaan Maxamed ayaa si wadajir ah u dhagax-dhigay dhismaha waddada dhax-marta suuqa degmada Xamar-weyne.

Waddadan oo muhiim u ah isku socodka suuqa Xamar-weyne ayaa dhismaheeda ah mid ay baahi weyn u qabaan bulshada deegaanka iyo ganacsatada suuqa, waxa uuna u mahadceliyay maamulka degmada Xamar-weyne.

Ugu dambeyn, Maamulka gobolka Banaadir ayaa sheegay in ay sii socon doonaan mashaariicda lagu horumarinaayo bilicda Caasimadda iyo kaabayaasha shaqaalaha si magaalada ay ula jaan-qaado magaalooyinka dhiggeeda ah ee horumaray.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here