Gudoomiyaha gobolka Banaadir ahna Duqa Muqdisho Mudane Cumar Maxamuud Maxamed (Cumar Filish) ayaa ka qeyb galay Shirkii Sedexaad uu Ra’iisul Wasaare Rooble la qaatay Midowga Musharixiinta.
Shirka uu shir gudominayay Ra’iisul Wasaare Maxamed Xuseen Rooble ayaa waxaa ka qeyb galay dhamaan midowg Musharixiin, Madaxweynaha Shirshabelle Cali Guudlaawe Xuseen, Godoomiyaha G/Banaadir Cumar Filish iyo madax kale oo ka socotay labada gole ee dowladda Federaalka Soomaaliyeed.
Waxaa diiradda lagu saarayay dhameestirka heshiiskii hor dhaca ahaa ee dhexmaray xukuumadda iyo Midwga Musharixiinta, iyadoo la isku fahmay dhamaan qodobadii laga wada hadlay marka laga reebo hal qodob oo ay soo jeediyeen Midwga Musharixiinta.
Qodobkaas ayaa ahaa in shirarka ay yeelanayaan madaxda dowladda iyo kuwa dowlad goboleedyada laga qeybgeliyo musharixiinta, siĀ ay qeyb uga noqdaan go’aamada iyo talooyinka lagu hagaayo dalka.