Xoghayaha Guud ee QM oo Caalamka ugu baaqay inay taageeraan Somalia: SAWIRRO

0
302

Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay ayaa soo gabagabeeyay booqasho laba maalmood ah oo uu ku yimid Muqdisho, isagoo sheegay in QM ay ka go’an tahay  in la taageero dalka Soomaaliya oo haya tubtiisa nabadda iyo xasilloonida.

“Soomaaliya waxay wajaheysaa caqabado badan,  laakiinse Qaramada Midoobay waxa ay midnimo la garab-taagan tahay dadka Soomaaliyeed. Waxaana naga go’an inaan gacan weyn ka geysanno horumarinta nabadda iyo xuquuqul insaanka Soomaaliya, taas oo mustaqbal wanaagsan u dhisaysa guud ahaan Soomaalida,” ayuu yiri Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay António Guterres.
Xoghayaha Qaramada Midoobay ayaa ka hadlayay shir jaraa’id oo ka dhacay caasimadda Soomaaliya ee Muqdisho, maalintii labaad ahna maalintii ugu dambeysay booqashadiisa Soomaaliya.

Talaadadii, Xoghayaha Guud ee Qaramada Midoobay wuxuu la kulmay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo xubno ka tirsan golaha wasiirrada iyo la taliyeyaasha, waxa uu booqday qoysaska gudaha ku barakacay ee ku sugan Koonfur-galbeed, safar uu ku tagay Baydhaba, waxa uuna kulammo la yeeshay ururrada bulshada rayidka ah iyo madaxda hay’adaha Qaramada Midoobay, sanduuqyada iyo barnaamijyada ka shaqeynaya taageerada Soomaaliya.

Antònio Guterres ayaa xusay in inkastoo ay jiraan caqabado adag, haddana dadka Soomaaliyeed ay sii wadeen inay muujiyaan awood iyo adkeysi aad u ballaaran.Madaxa Qaramada Midoobay waxa uu sheegay in QM ay sharciyad siisay hawl-galka Midowga Afrika ee ATMIS oo ah mid  dhinacyo badan oo ay ku jiraan militariga, booliiska iyo qaybaha rayidka ah, si ay ciidamada ammaanka Somalia uga caawiyaan dagaalka lagula jiro kooxda argagixisada ah ee Al-Shabaab.

Xoghayaha Guud ee QM intii uu Xamar ku sugnaa waxa uu la kulmay wakiillo ka socday ururrada bulshada rayidka ee ka shaqeeya arrimaha haweenka iyo awoodsiinta, isbeddelka cimilada, dadka naafada ah, dhalinyarada iyo kooxaha la heyb-sooco. Waxa uuna warbaahinta u sheegay inay si qoto dheer u dhiirri-galinayaan aragtidooda iyo tamartooda.

“Masaaxo rayid, badbaado leh oo loo dhan yahay ayaa lagama maarmaan u ah maamul-wanaagga, waxa ayna gacan ka geysanaysaa ka hortagga iyo dhimista rabshadaha. Ka-qaybgalka buuxa ee haweenka iyo dhallinyarada Soomaaliyeed ee siyaasadda oo ay ku jirto dib-u-eegista dastuurkana waa muhiim,” ayuu yiri Md. Guterres.Waxa uu hadalkiisa ku daray: “Waxaan soo dhaweynayaa ka go’naanta dowladda ee xuquuqda haweenka iyo matalaadda, waxaana ku baaqayaa in si buuxda loo hirgeliyo loona qaabeeyo qoondada boqolkiiba 30 ee haweenka ee doorashooyinka.”

Xaaladaha Bani’aadamnimo:

Booqashadii Xoghayaha Guud ee QM uu ku yimif Soomaaliya sanadkii 2017-ka, waxa ay ahayd xilli uu socday hawlgal beni’aadannimo oo ballaaran oo looga hortagayay macluul. Booqashadiisa sanadkan ayaa ku soo beegantay iyadoo Soomaaliya ay la halgamayso abaar musiibo ah oo horseedday dhimashada 43,000 oo qof sanadkii 2022 oo keliya.“Maanta, xaaladda waa mid argagax leh mar kale. Isbeddelka cimiladu waxa uu sababayaa qalalaase. Soomaaliya waxa ay soo martay shan xilli roobaad oo liita, oo xiriir ah – tan waa wax aan horay loo arag… bulshada dan-yarta ah iyo kuwa nugul waxay qarka u saaran yihiin macluul, xaaladduna way sii adkaanaysaa,” ayuu yiri Mr. Guterres.

Xoghayuhu wuxuu ka hadlay booqasho uu ku tagay Baydhabo, waxa uuna yiri:  “Waxaan booqday Baydhabo, waxaana la hadlay qoysas ku xoolo beelay abaaro iyo amni darro. Waxaa i qiiro geliyay halgankood; Waxaa aad ula dhacay adkaysigooda, geesinnimadooda iyo ka go’naantooda si ay dib ugu dhistaan noloshooda. Laakiin kaligood ma samayn karaan,”Guterres ayaa si kooban u yiri: “Waa inaan hadda wax ka qabannaa xaaladaha taagan, si aanay u dhicin wixii shalay (Sanadihii lasoo dhaafay) dhacay oo kale”

Ugu dambeyn, waxa uu ka codsaday deeq-bixiyayaasha in ay garab istaagaan Soomaalida waqtiga ay u baahan yihiin, isagoo yiri: “Beesha caalamka waxay mas’uuliyadi ka saaran tahay oo ay tahay in ay danayso inay Soomaaliya ku taageerto waxyaabaha ay u baahan tahay si looga adkaado Al-shabaab, goobaha laga xoreeyayna loo gaarsiiyo gargaar beni’aadannimo oo aad loogu baahan yahay.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here