Kooxda Bayer Leverkusen ayaa heshiis shan sano ah lasoo saxiixatay ciyaaryahanka khadka dhexe ee xulka Switzerland iyo kooxda Arsenal Granit Xhaka, sida ay sheegtay kooxda ka dhigsan horyaalka Bundesliga.
Lagama bixin faah-faahin dheeraad ah ee dhinaca dhaqaalaha ku baxay beeca ciyaaryahankan, laakiin warbaahinta Ingiriiska ayaa qortay in kooxda Jarmalku ay 25 milyan oo Yuuros ($27.19 milyan) ku bixisay 30 jirkan.
Xhaka ayaa ku biiray kooxda Leverkusen ee Xabi Alonso kadib markii uu toddobo xilli ku qaatay Arsenal oo uu u saftay 297 kulan, isagoo u dhaliyay 23 gool iyo 29 caawin ah.
Xhaka ayaa ku laaban doona horyaalka Jarmalka isagoo afar sano hore ula soo qaatay Borussia Moenchengladbach kahor inta uusan ku biirin Arsenal 2016.
Dhanka kale, Cristiano Ronaldo ayaa helay macallin cusub Khamiistii markii Al-Nassr ay ku dhawaaqday inay shaqaaleysiisay saaxiibkiis tababaha reer Portugal Luís Castro.
Kooxda Sacuudi Carabiya ayaa xaqiijisay magacaabistan, xilli ay ku jirtay tababarka xilliga ciyaaraha saaxiibtinimo oo ay ku qaadaneyso Portugal.
Lama sheegin sannadaha qandaraaska tababarahan.
Castro waa tababarihii ugu dambeeyay ee todobaadkan shaqo ka hela Boqortooyada Sacuudi Carabiya, kadib Jorge Jesus oo jooga Al-Hilal iyo Steven Gerrard ee Al-Ettifaq.
61-jirka reer Portugal ayaa si weyn loogu yaqaannay labadii xilli ciyaareed ee uu joogay Ukraine, iyadoo Shakhtar Donetsk xilligaas gaartay guulo waaweyn oo ay ku jirtay guuldarradii Real Madrid wareega group-yada ee Champions League 2020-21.
Ugu dambeyn. Waxa uu xilli ciyaareedkii hore ku qaatay kooxda Brazil ee Botafogo.













