Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Somalia Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa jeediyay khudbo uu kaga hadlay asaaskii ciidanka xoogga dalka Soomaaliyeed oo ku beegan Maanta, waxa uuna ku ammaanay ciidamada dadaallada ay dalka uga xoreynayaan Al-shabaab.
“Sannad-guurada 63-aad ee aas-aaska Ciidanka Xoogga Dalka waa maalin ku asteysan ayadoo sanadguuradii la xusay xili halgan lagu jiro oo aan lagu xusin dabaal dag iyo gaardis balse lagu xusay dhiiga geesiyaasha iyo shuhadada ee u dhimanaya difaaca diinta, dadka, dalka iyo dowladnimada,” ayuu yiri Madaxweyne Xasan Sheekh.
Haddaba, Daawo Muuqaalka Madaxweyne Xasan uu kaga hadlay 63-guurada Ciidanka Xoogga Dalka:













