SAWIRRO: Agaasimaha Cusub ee Waaxda Ganacsiga Dowladda Hoose ee Xamar oo xilka la Wareegay

0
700

Agaasimaha Waaxda Shaqada iyo Shaqaalaha Maamulka Gobolka Banaadir iyo Dowladda Hoose ee Xamar Mudane Xuseen Cabdullahi Xasan ayaa xilka u kala wareejiyay Agaasimaha cusub ee waaxda Ganacsiga Dowladda Hoose Mudane Zakariye Nuur Xasan iyo Agaasimihii hore ee Waaxda, Mudane Cabdinaasir Rooble Abuukar.

Munaasabaddan oo goob-joog ay ka ahaayeen qaar ka mid ah agaasimayaasha guud iyo agaasime waaxeedyada maamulka Gobolka Banaadir ayaa waxaa xilkii agaasinka waaxda ganacsiga wareejisay ku-simaha agaasimaha waaxda ganacsiga, ahna agaasime ku-xigeenka waaxda, Marwo Zamzam Maxamed Rooble.

Dhawaan ayuu Guddoomiyaha Gobolka Banaadir ahna Duqa Magaalada Muqdisho Mudane Yuusuf Xuseen Jimcaale (Madaale) uu isbeddel ku sameeyay agaasinka waaxda ganacsiga Dowladda Hoose ee Xamar, si loo dardar-geliyo hawlaha xafiiska waaxda ganacsiga ee maamulka Gobolka Banaadir.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here