Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabilsan bani’aadamnimada ayaa ka digtay cudurro halis ah oo ka dhasha fatahaadaha webiyada oo dhawaanahan ka fatahayay deegaannada Soomaaliya qaarkood, iyadoo ay jiraan cabsi laga qabo in deegaanno ay ku fatahaan.
Warbixin ay soo saartay OCHA ayaa lagu sheegtay in roobabka ay kusoo aadeen xilli ay jireen cudurka daacuunka iyo shuban biyood oo laga soo sheegay maamul-goboleedyada Jubbaland iyo Koonfur-galbeed.
Sidoo kale, OCHA oo soo xiganaysa tirokoob ay soo saartay wasaaradda caafimaadka Soomaaliya ayaa sheegtay in ugu yaraan 4,000 oo kiis oo looga shakisan yahay cudurka Daacuun iyo 17 dhimasho oo xiriir la leh laga soo sheegay 27 degmo tan iyo bishii 1-aad ee sanadkan.
Hay’addu waxay intaas ku dartay in daadadka ka dhashay roobabka ay saameeyeen in ka badan 175,000 oo qof oo ku nool guud ahaan Soomaaliya tan iyo billowgii xilli roobaadka ee bartamihii bishii Maarso, kuwaasoo 140,000 oo ka mid ah ay barakaceen.
“Haddii Soomaaliya iyo dhulka sare ee Itoobiya ay ka da’aan roobab mahiigaan ah inta lagu jiro xilliga, waxaa la qiyaasayaa in fatahaadaha wabiyada ay saameyn karaan illaa 1.6 milyan qof, iyadoo in ka badan 600,000 ay daadadkaas barakicin karaan,” ayay ku tiri OCHA warbixin ay soo saartay.
Dhanka kale, Hay’addu waxay xustay in barakaca ugu badan uu ka dhici doono deegaannada kulul ee ku teedsan webiyada Jubba iyo Shabeelle iyo qaybo ka mid ah gobollada Bay iyo Banaadir, iyadoo horay fatahaado ay uga dhaceen deegaannada Galmudug, Puntland iyo Somaliland.
OCHA ayaa sheegtay in dad ka badan 21 qof ay ku dhinteen daadad ka dhacay degmada Baardheere ee Jubbaland, kaddib roobab xooggan oo da’ay 21-kii illaa 24-kii bishii Maarso.
Ugu dambeyn, Roobabkan culus iyo daadadka ayaa yimid kaddib shan xilli oo abaar ah oo keenay barakaca in ka badan 1.4 milyan oo Soomaali ah iyo dhimashada 3.8 milyan oo xoolo ah tan iyo bartamihii sanadkii 2021-kii, sida lagu yiri warbixin ay OCHA soo saartay.













